4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
Xildhibaano Dhaliilsan Xukuumada Gaas oo Gudoonka Baarlamanka PL ka dalbaday kulan deg-deg ah
http://balcad.com/wp-content/uploads/2014/03/g23.jpg
Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Iyadoo muddo koobani ka harsan tahay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 35aad ee Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta xildhibaano tiradoodu kow iyo labaatan tahay, waxay Guddoonka Baarlammaanka u gudbiyeen warqad ay kaga codsanayaan in goluhu isugu yimaado kulan deg deg ah.

Xildhibaannada dalabka soo gudbiyey ayaa qoraalkooda ku xusey in Puntland xaalad adag ku jirto, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sidaas darteedna ay tahay in Baarlammaanku yeesho kulan aan caadi ahayn kahor kal-fadhiga 35aad oo furmi doona bartamaha bisha soo socota ee June.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in xildhibaannada kulanka dalbaday qorsheynayaan inay mooshinka ka keenay xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas, arrintaasoo haddii ay dhacdo noqoneysa markii ugu horreysey ee Baarlamaanka Puntland mooshin ka keeno xukuumadda.

HOOS KA AQRISO QORAALKA XILDHIBAANNADA:

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya