4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
Puntland oo Maanta soo Bandhigtay 3 Ruux oo ay Sheegtay inay ka Tirsanaayeen Al-shabaab
Image
Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Booliiska Gobolka Bari ayaa maanta Magaalada Boosaaso kusoo ban-dhigay saddex nin oo la sheegay inay horay uga tirsanaayeen hoggaanka xoogagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Saddexda nin ee maanta lasoo bandhigey waxaa lagu kala magacaabaa:

1-Mukhtaar Cabdinuur (Axmed Guray).
2- Cabdiwaajid Cali.
3-Guuleed Bashiir.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Mukhtaar Cabdinuur uu horay u ahaa Taliyaha Aagga Galgala ee Shabaab, halka Cabdiwaajid Cali uu isna Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Gabayada, ninka saddexaad ee lagu magacaabo Guuleed Bashiirna ahaa sarkaal.

Dhanka kale, ciidamada booliska ayaa hawgal dad badan lagu soo qabqabtey 24tii saac ee ugu dambeeyey ka sameeyey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Ku dhowaad saddex boqol oo qof oo dhallinyaro u badan ayey boolisku gacanta ku dhigeen, waxaana laysugu keenay saldhigga dhexe ee booliska.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in badi dadkii hawgalka lagu soo qabtey lasii daayey, balse weli baaritaan lagu wado dhowr qof oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya