4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Booqday Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne [SAWIRRO]


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Dhawaan gaaray magaalada Beledweyne ayaa Maanta Booqday Isbitaalka Guud ee Gobolka Hiiraan oo Bukaanno kala duwan.

Xildhibaannada oo wehliyaan xubno ka tirsan maamullada heer Gobol iyo Degmo ayaa ku soo Wareegay Qaybaha kala duwan ee uu Isbitaalku ka kooban yahay, iyagoo sidoo kale ka dhageystay warbixinno maamulka Isbitaalka.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Axmed Max'ed Khaliif ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee isbitaalka, isaga oo sheegay in muddo dheer isbitaalka aysan jirin wax hay'ad ah oo gacanta ku heysa, islamarkaana shaqaallaha ku shaqeynayeen si bilaash ah [ Mishaar la'aan]

“Iyadoo ay siddaa tahay oo shaqaallaha dadka ugu adeegayeen lacag la'aan, ayaa haddana dhinaca kale waxaa isbitaalka soo food saartay dawo la'aan, taasoo caqabad ku noqontay habsi u socdka adeegyadii loo qabanayay dadka bukaanka ah,” ayuu yiri Axmed Max'ed Kahliif.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo intaa kaddib warbaahinta la hadllay ayaa ugu baaqay wasaarrada caafimaadka dowladda Soomaaliya in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabto xaalada isbitaal uu ku sugan yahay waqtigan, gaar ahaan waxaa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in deg-deg loo soo gaarsiiyo dawo.

“Sida aan og-nahay wasaarrada caafimaadka waxaa ay gacanta ku heysa dawo loogu talo-galay isbitaallada ku yaalla Gobollada Somalia, kuwaasoo bakhaar isaga xareysan, waxaan leenahay wasiirka caafimaadka soo booqo halkan oo arag baahida ka jirta isbitaalka,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Xildhibaan Pro Max'ed Max'uud Guure  isna sheegay in ay dhinacooda ballan-qaadayaan in Howlaha Isbitaalka aysan marna istaagi doonin, isla markaana arrintaa kala hadlli doonaan wasaarrada caafimaadka.

Ugu dambeyn, ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali in marar badan oo hore wasaarrada caafimaadka kala hadlleen xaalada isbitaalka, laakiin aysan wax jawaab ah ka helin, isagoo bogaadiyay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta booqashadooda isbitaalka iyo in ay idhahooda ku arkaan xaalada waqtigan uu ku sugan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya