4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
MUQDISHO: Shir looga hadlay dib u soo celinta Qoxootiga ku Sugan Yemen oo Maanta la Qabtay


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Kulan looga Hadlayay Dib loogu soo Celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee xayiran Yemen ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo kulankaas ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, Culummo, Hay’adda Qaxootiga Qaranka, Bulshada Rayidka, Haweenka, Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Cadan iyo xubno kale.

Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay xafiiska arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Dadweynaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali, waxaana looga dooday sidii looga qayb-qaadan lahaa soo celinta Qoxootiga ku sugan dalka Yemen oo ay colaado ka socdaan iyo kaalinta shacabku ay ka qaadan karaan howshaas.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somalia, Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur ayaa sheegay in Xukuumadda Imaaraadka Carabta ay Ballan-qaaday in ay Taageero ka Geysanayso dib usoo celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran Yemen, waxaana kaalmadeeda ka mid ah sida uu wasiirku sheegay inay maraakiib u darayso.

Sidoo kale, Xaaji Cali ayaa xaqiijiyay in Axadda soo socota ay diyaaradi kasoo markii ugu Horreysay kasoo qaadi doonto Yemen Qoxootigii Soomaaliyeed, Wuxuuna ugu Dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dib u soo celinta Soomaaliyeed.

Intii uu Kulanku socday waxaa la isla gartay in berri la Magacaabo Guddi Madax-bannaan, kaasoo shacabka abaabuli doona, isla markaana ururin doona dhaqaale.

Qunsulka magaalada Cadan u fadhiya Somalia, Axmed Suudaani oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dalka Yemen hadda ay xaalad xumi ka jirto, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si aan kala har lahayn ugu gurmadaan walaalahooda ku xayiran Yemen oo ay colaado ka socdaan.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo looga hadlo sidii loo caawin lahaa Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran Yemen oo lagu qabto Muqdisho, iyadoo la filayo in kulammo noocan oo kale ah lagu qabto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya