4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
Xukuumadda Somalia oo loogu Baaqay inay dib u soo Celiso Furaha Taleefoonka Soomaaliya


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) oo ka hadlay kulan uu la yeeshay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Somalia ayaa xukuumada Soomaaliya ka dalbaday inay gacanta dowladda kusoo celiyaan furaha Tafeefoonnada Soomaaliya ee 252-ka oo ah hanti Qaranka.

Isgaarsiinta madaxa-bannaan ee Somalia ayaa haatan isticmaala furaha ay leedahay Somalia ee 252-ga, inkastoo ay isbedel ku sameeyeen furaha lagu soo galo Muqdisho oo ahaa (1) – kaasoo ay lambarro kale u isticmaalaan.

“Maanta waxaan hoosta ka xariiqayaa inay muddo badan badan i soo gaartay in lambarka Soomaaliya ee 252 uu gacanta xukuumadda ka maqan yahay, iyadoo xukuumadda looga baahan yahay inay inay gacanteeda dib ugu soo celiso muddadii ay ay doonto ha qaadateen, waana in xilligaan wax ka qabashada arrintan la billaabo, haddii ay socotana la sii dar-dar-geliyo,” ayuu yiri Jawaari.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Furaha Taleefoonka Somalia ee 252 ee Suuyada caalamka wareegaya ma ogolaanayno, waayo waa mid ay dowladnimadu ku jirto, waana in si dhaqso ah wax looga qabto.”

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa amaan ballaaran u soo jeeydiyay Shirkadaha Taleefanada ee dalka ka jira inay shaqo weyn  qabteen, ayna horumarka ku hoggaamiyeen dalka, isagoo ka dalbay inay bixiyaan cashuuraha dowladdu ay ku leedahay si dalka loogu horumariyo.

“Milkiiliyasha Shirkadaha Isgaasiinta laftooda waxaan aaminsanahay inay yihiin dad aqoon leh, Mus’uuliyiin ah, marka waa waxaa laga doonayaa inay bixiyaan Xaqa uu Dalkiisu ku leeyahay, haddii ay rabaan inay hantidoodu u barakowdo. Canshuurtaas oo Af-Soomaaliga ku ah dhaqan-dhowrto, haddii aad bixisaan xoolihii xalaal ayay idiin noqonayaan waana idiin barakooobi doonaan,“ ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Jawaari.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa Xukuumadda u soo jeediyay inay wacyi-gilin joogta ah u sameeyaan milkiilayasha iska leh shirkadaha waaweyn ee dalka ku yaallla si ay canshuuraha u bixiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya