4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
FAADUMO DAYIB: Waxaan khatar u galayaa sidii aan u noqon lahaa Madaxweynaha Somalia


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Faadumo Dayib oo ah Haweeney ku dhawaqday inay u tarmayso xilka madaxnimo ee Soomaaliya sannadka 2016-ka ayaa waxaa go'aankeeda uga hadlay siyaabo kala duwan dadka Soomaaliyeed, iyadoo Qaarkood sheegay inay u arkaan inay tahay haweeney aan fiyoobeyn, maadaama aanay Somalia weligeed ruux haweeney ah ka noqon madaxweyne, Laakiinse Faadumo Dayib ayaa Go’aansatay inay u Tartanto xilka madaxnimo ee Somalia sannadka soo socoda.

Somalia ayaa lagu wadaa inay Sanadka 2016-ka ka dhacaan doorashooyinkii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1967-dii markaasoo doorasho Somalia ka dhacday Xilka Madaxweynaha loogu doortay C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhalay ra’iisul wasaaraha xilligan ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in 2016-ka ay Somalia ka dhicayso doorasho, iyadoo tani u horseedi doonto inay shacabka Soomaaliyeed si xog u soo doortaan madaxweynihii xukumi lahaa.

Faadumo Dayib oo ku dhalatay Muqdisho Sannadkii 1970-kii, Balse Waxay Finland dib u guurtay iyadoo 17-jir ahayd. Intii ka horreysayna Kenya ayay joogtay. Waxaana Somalia ugu dambeysay iyadoo 14- jir ah, dibna uguma laaban tan iyo xilligaasna, waxaase haatan ay doonaysaa inay dib ugu soo laabto dalka si ay xilka madaxnimo ugu tartanto sannadka soo socda.

“Waxaan Somalia iigu dambeysay anigoo 14-sano jir, balse waxaan hadda doonayaa inaan u tartamo xilka madaxnimo ee Somalia,” ayay Faadumo u sheegtay Telefishin ay xaruntiisu tahay Finland.

Sidoo kale, Faadumo Dayib ayaa sheegtay inay rumeysan tahay inay wax ka bedeli karto xaaladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay Doonayso in Haddii ay ku Guuleysato Xilka madaxnimo inay dhisto mustaqbalka hooyada, ilmaha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Muddo 25-sano ah ayaa sugayay inaan xilkan isku soo taago, mana jiro qof ogolaan kara inuu mas’uuliyadaas khatarta ah xambaarto. Balse anigu go’aan ayaan ku gaaray inaan taas sameeyo,” ayay hadalkeeda ku dartay Dayib.

Waxay sheegtay in waxyaabaha ay wax ka qaban doonto ay ka mid yihiin; dib u habeynta waxbarashada, hagaajinta caafimaadka, nadaafadda iyo dib u dhiska siyaasadda Somalia ee ku wajahan caalamka, iyadoo xustay inay tahay tallaabo weyn in haweeney ay hoggaanka Somalia qabto markii ugu horreysay.

“Haweenka Waxaa loo Qoodeeyay inay 30% ku yeeshaan kuraasta Golaha Baarlamaanka Somalia, balse waxaa la siiyay 14%, waxaana hubaa in haddii ay intaasi isku dhuubnaadaan inay wax badan sameyn karaan,” ayay Dayib ku dartay hadalkeeda.

Faadumo Dayib waxay hadalkeeda ku dartay inay xoogga saari doonto sidii ay u horumarin lahayd haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed, si ay qayb uga qaataan horumarinta dalka, iyadoo tiro. “Waxaan xoogga saari doonaan sidii ay Haweenku kaalin weyn ugu lahaan lahaayeen dhanka siyaasadda dalka iyo hoggaanka, anigoo gaarsiin doona mid la mid ah kaalinta ay raggu joogaan xilligan.”

Mar la weydiiyay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka horjoogsan kara inay madaxweyne noqoto ay ka mid yihiin inay dumar tahay, dumarkana aysan xil sare qaban karin marka la eego diinta Islaamka, iyadoo kaga jawaabtay in taasi uuasn islaamku qabin, cid walbana ay xaq u leedahay inay xilkii ay doonto u tartanto, iyaduna ay dooratay inay jagadaas sare u tartanto.

“Haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed waxaa soo food-saaray dhibaatooyin ay ka mid yihiin galmoodka sharci-darrada ah, waxaana rumeysannahay in haddii kuwa falalkaas geysanaya sharciga lala tiigsado inaysan mar dambe dhici doonin,” ayay hadalkeeda raacisay.

Dhanka kale, Faadumo Dayib oo ahayd qofkii ugu horreeyay oo dumar ah oo xilkan isku soo taagta doorashada 2016-ka ayaa mar ay ka hadlaysay waxay sheegtay inay rajeynayso inay jiri doonaan Dumar kale oo xilkan isku soo taaga.

Ugu dambeyn, Faadumo ayaa xustay inay wajahayso loolan adag oo ay ku doonayso inay hoggaanka Soomaaliya ugu tartanto, iyadoo sheegay inay la socoto inay jiraan dad badan oo isku garbinaya, balse ay filayso inay guul ka gaari doonto dadaalkeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya