4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2015
MADAXWEYNAHA Mareykanka oo ka laabtay Magacaabistii Safiirka Mareykanka ee Somalia


Talaado, May 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa dib uga la laabtay magacaabista danjirhiii uu dhawaan u magacaabay Soomaaliya, taasoo noqonaysay tii ugu horreysay oo danjire uu Mareykanku ugu soo magacaabo Somalia 25-sano kaddib.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in sababta madaxweynuhu khasab uga dhigtay inuu la laabto magacaabidda safiirrada ay tahay iyadoo diidday inay danjiraha Mareykanka ee Somalia noqoto, iyadoo danjire Katherine Simonds Dhanani ay horay uga soo shaqeysay Afrika. Iyadoo la sheegay in la filayo in danjire kale uu Barack Obama ku bedelo danjire kale.

Dowladda Mareykanka ayaa xirtay safaaraddii ay ku lahayd Somalia 1991-kii markaasoo la riday xukuumaddii millateriga ahayd ee Somalia, dalkana ay ka billowdeen dagaallo ahli ah.

Obama ayaa ka laabashadiisa danjirihii uu u soo magacaabay Somaia waxay kusoo beeg-maysaa xilli toddobaadkii hore uu Muqdisho soo booqday wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, isagoo kulammo kala duwan la qaatay madaxda dalka, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.

Kerry ayaa sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Somalia uu yahay  mid aad u adag, isagoo xusay in safaaraddoodii Somalia ay dib u furi doonaan, taasna ay horseedi doonto in labada calan ay ka dul-babadaan labada caasimadood ee Mareykanka iyo Somalia.

Danjire Katharine Dhanani ayaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya bishii Feberaayo ee Sannadkan, iyadoo aan la ogeyn sababta ay haweeneydan u diidday inay safiirka USA ee Mareykanka noqoto, iyadoo la filayo in Mareykanku ay uu dib u furto safaaraddiisii uu ku lahaa Muqdisho.

Ugu dambeyn, dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Somalia oo haatan ku shaqeysa Nairobi ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay in laga laabtay magacaabistii dan-jirihii Mareykanka ee Soomaaliya, Katharine Dhanani.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya