4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
NUSOJ oo Weydiisatay AMISOM in wax laga bedelo Habka Baarista Qalabka Wariyeyaasha


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab-baariseedka eeyaha ee ay u isticmaalayaan qalabka wariyeyaasha marka ay u tagaan xarumahooda howlaha shaqo, isla markaana ay ka fekeraan Qaab-baariseed ka duwan Isticmaalka eeyaha.

Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa Axaddii shalay isaga laabtay Xaflad ay Midowga Yurub ku Sameysanayeen Xalane oo ah Sadhigga ugu weyn ee  AMISOM ay ku leedahay Somalia, kaddib markii lagu amray inay in qalabkooda ay baarayaan eeyo wax uriya, iyagoo sheegay inay baqdin ka qabaan in eyuhu uu dhareerkiisu gaaro qalabka.

Dhareerka Eeyaha ayaa Diin ahaan Nijaaso ah, sidoo kalena Soomaalida dhaqan uma lahan in Eeyaha Dhareerkooda la taabto, iyadoo Wariyeyaashu ay sheegeen in horay ay u arkeen in eeyuhu ay inta badan ku dhareeraan kaamirooyinka inta ay baarayaan.

“Ururka NUSOJ oo ka Duulaya Cabashada Wariyeyaasha wuxu ugu baaqayaa Ciidamada AMISOM ee Howgalka u jooga Somalia inay Xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diintooda Islaamka, ayna la yimaadaan hab-baariseed ka casriyeysan midkan oo ay kaga kaaftoomi karaan isticmaalka eeyaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu caawa soo saaray ururka.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo arrintan ka hadlayay ayaa yiri. “Waan dareensannahay in Eeyaha loo Isticmaalayo Arrimo ammaan, balse waxaa la heli karaa hab-baariseed ka duwan oo looga kaaftoomi karo in loo isitmcaalo eeyo baaritaannada qalabka wariyeyaasha, iyadoo la xushmeynayo Dhaqanka iyo Diinta Islaamka. Si xiriirka AMISOM iyo iyo Warbaahinta Soomaaliyeed loo hagaajiyo.”

"Cabashadan ay soo jeedinayaan Wariyeyaasha waa arrin soo noq-noqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg-deg ah loo helo. Innaguna waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqeyno qaabkii xal loogu heli lahaa arintan laga cabanayo, maadaama ay saameyneyso dhaqanka & Diinta Islaamka ee ay dadka Soomaaliyeed haystaan, Waxaana Ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay xushmeeyaan cabashada Wariyeyaasha," ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim.

Ugu dambeyn, Maxamed Ibraahim ayaa sheegay inuu ku ammaanayo Suxufiyiinta go'aanka midnimadu ku jirto ka qaateen arrintan. Waana markii labaad buu yiri oo Wariyeyaasha ka howlgala Gobolka Banaadir ay kasoo laabtaan xarunta AMISOM kaddib markii casuumad ay ka heleen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya