4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
SAWIRRO: Kulan Is-dhexgalka Bulshada lagu Xoojinayay oo Maanta lagu Qabtay Jowhar


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta laga billaabay barnaamij lagu xoojinayo xiriirka is-dhexgalka bulshada, kaasoo uu ka qayb-galay guddoomiyaha ku-xigeenka gobolka Shabeellada Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.

Barnaamijkan oo loogu magac-daray (Civic Engagement) ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu qabto degmooyinka gobolka Shabeelada dhexe, sidoo kalena Jowhar ayaa noqoaysa degmadii koowaad oo lagu qabto.

Guddoomiyaha ku-xigeenka Gobolka Shabeellada Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa ku sameeyay kormeerro iskuullada degmada Jowhar, waxaana Ardayda iskuulladaas wax-ka-barta loo qaybiyay hal-ku-dhigyo.

Sidoo kale, hal-ku-dhigyadaan ayaa waxaa ka mid ahaa – Dowladnimadu Waa Aniga iyo Adiga oo Is-kaashanna – Dowladeyda Waa Mas’uuliyad i Saaran – Xaq uma lihin inaan ku noolaano dal aanan Ilaashan Karin – Waddan walba Dadkiisa ayaa dhisa ee cid kale uma dhisayso iyo Waxaan doortay inaan taageero Dowladeyda, Maxaa yeelay waxaan ahay Waddada Horumarkeyga iyo kuwo kale.

Markii ardayda loo qaybiyay hal-ku-dhigyadan ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha Degmada Jowhar oo tilmaamey inay Dowladnimadu tahay mid la doonayo inay ilaashadaan dhammaan Qaybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan ardeyda wax-barta.

“Waxaa idiin la wadaagi doonaa maalin nadaafadeed iyo waliba maalmo aan ugu talo-geli doonno tartan suugaaneed,“ ayuu yiri guddoomiyaha Jowhar oo ugu baaqay ardayda inay muujiyaan karti iyo dadaal si Dalkooda uu dhinac waliba uga dhismo.

Ugu dambeyn, barnaamijkan oo ah mid is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga bulshada iyo maamulka degmada lagu xoojinayay, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Somalia lagu qabto, isagoo kusoo dhamaaday jawi farxadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya