4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
Puntland oo Ciidammo Amaanka Suga u Dirtay Boosaaso iyo Kulan Ammaanka looga Hadlay

Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Kulanka looga hadlay ammaanka oo lagu Qabtay Boosaaso ayaa waxaa kazoo Qayb-galay maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaaso, taliyayaasha ciidamada Puntland iyo Qaar ka mid ah Guddiyada Xaafadaha Boosaaso, ayaa lagu saaray diiradda wax-ka-qabashada ammaanka Degmadas.

“Waxaa looga hadlay adkaynta amniga  Bosaaso oo baryahan ay ka dhaceen falal amniga liddi ku ah,“ ayuu yiri taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay warbaahinta kulanka kadib.

“Go’aanada laga soo saaray waxaa ka mid ah in dhammaan dadweynaha magaalada iyo ciidamadu ay si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga ,waana ay socon doonaan shirarka arimahan la xiriira. “ ayuu mar kale yiri Jaqanaf.

Taliyaha ayaa si gaar ah shacabka gobolka Bari uga dalbaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga ,waxaana uu sheegay in baaritaanno laga sameeyay magaalada Bosaaso lagu soo qab-qabtay dad tiro ah oo looga shakisan-yahay weerarro lala beegsaday ciidamada maamulka.

Dhinac kale cutubyo ka tirsan ciidamada birmadka Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Bosaaso ,kuwaasi oo malmo ka hor tababar loogu xiray xerada Xorgoble ee magaalada Qardho ,waxaana loo keenay Bosaaso in ay amniga wax ka sugaan.

Ugu danbayn,maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxda Al-shabab oo fariisimo ku leh buuraha Gal-gala ee gobolka Bari, waxaana weerar dhamaadkii bishii hore lagu qaaday ilaalada dekadda Bosaaso ku geeriyooday  hal qof oo shacab aha.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]