4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
Madaxweyne Xasan oo Hiigsiga 2016 & dhismaha CXDS kala hadlay Safiirrada Britain iyo Sweden


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta si gooni-gooni ah ugala hadlay danjirayaasha dalalka Britain iyo Sweden u fadhiya Somalia, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall.

Xasan Sheekh ayaa danjiraha Britain kala hadlay horumarka siyaasadeed ee dhowaan lagu talaabsaday, sida dhismaha guddiyada madaxa-bannaan ee doorashooyinka, xuduudaha iyo federaalka iyo Adeegga Garsoorka, kuwaas oo uu sheegay inay dar-dargelin doonaan barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale, danjiraha Britain, Wigan ayaa madaxweynaha soo gaarsiiyay fariin uu uga siday ra’iisul wasaare, David Cameron oo ah in boqortooyada UK ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya ee ku saleysan iskaashi, taageero iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wigan ayaa intaas ku daray in xukuumadda Britain ay dhaqaale ku taageereyso dhismaha iyo dib u dhiska ciidamada xooogga Somalia, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan taa la mid ah ka geysato dib u dhiska Booliiska Somalia.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay safiirka Sweden, Mikael Lindvall isagoo kala hadlay horumarka siyaasadda Somalia, hawlaha la xiriira dib u dhiska ciidamada iyo taageerada Beesha Caalamka siineyso Somalia.

Ugu dambeyn, danjire Lindvall ayaa soo dhaweeyay ansixintii golaha wasiirrada Somalia ee guddiyada madaxa-bannaan ee doorashada, Adeegga Garsoorka iyo Xudduudaha, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay taageerayso guddiyadaasi ay howlahooda si hufan ugu fuliyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya