4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo lagu Dhaawacay Muqdisho


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii maanta ku dhaawacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir sarkaal ka tirsanaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia oo lagu magacaabo, C/llaahi Maxamuud Cosoble.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan oo watay gaari ay rasaas ku fureen gaarigii uu watay sarkaalkan oo ahaa Agaasimihii xafiiska Qaybta Baasaboorrada Muqdisho. iyadoo ay baxsadeen kooxihii dhaawiciisa geystay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Weerarkan oo ka dhacay Agagaarka Xaafada Siigaale ee Degmada Hodan ay dableydu gaari ku hor-gooyeen gaarigii uu watay Agaasimaha ayna ku fureen rasaas uu dhaawac kasoo gaaray.

Saraakiil kale oo ka tirasn Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa sheegay in aad u fudud yahay dhaawaca soo gaaray sarkaalka, haatanna isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu daweynayo dhaawiciisa.

Ma jirto illaa Hadda Cid Mas’uuliyadda Weerarka Sarkaalkaan lagu Dhawacay Sheegatay, iyadoo waayadan dambe ay Muqdisho kusoo badanayeen kooxo hubeysan oo wata gaadiid, kuwaasoo beegsada mas’uuliyiinta dowladda.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia ayaa waxay horay u sheegatay Weerarro noocan oo kale ah oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lagu dliay Xildhibaanno, Saraakiil ciidan iyo Xubno ka tirsanaa Dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya