4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
SWEDEN: Xaflad lagu Taageerayay Shirka Dib-u-heshiisiinta ah ee ka socda Baladweyne+Sawirro


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa lagu qabtay xaflad lagu taageeraayay shirka bid-u-heshiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne iyo marti aad u badan waxaa ka mid ahaa jaaliyadda reer Hiiraan ee dalka Sweden guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Stockholm ku nool iyo marti-sharaf kale oo Soomaaliyeed.

Dhamaan dadkii kasoo qayb-galay oo isugu jiray culummo, odayaaal, siyaasiyiin, aqoon-yahanno, dhallinyaro, hooyooyin iyo gabdho ayaa waxay si weyn u taageereen shirka dib-u-heshiisiinta gobolka Hiiraan, waxayna u rajeeyeen guul iyo nabad.

Jaaliyadda Reer Hiiraan oo soo qaban-qaabisay xafladda ayaa isugu jiray waxay isugu jireen dhammaan beelaha ku abtisada Gobolka Hiiraan.

Xafladda oo lagu furay Qur’aan iyo wacdi uu akhriyay Sheekh Cabdixakiim Khaliif, ayaa waxaa furay guddoomiye Ibraahim Xasan Bashiir oo hormuud u ahaa kooxda soo qaban-qaabisay xafladda.

Waxaa kaloo qaybta ugu muhiimsan ka qaatay gabdhaha Reer Hiiraan oo iyaga la’aantood aysan suuro-geli lahayn xafladda. Iyadoo ay hadallo ka jeediyeen odayaasha Reer Hiiraan ee matala beelaha gobolka wada-deggan, siyaasiyiinta, indheer-garatada kala duwan iyo qaar ka mid ah Haweenka, qaar ka mid ah marti-sharaftii kale. Iyagoo ka hadlay taariikda Gobolka iyo hoggaamiyayaashii Soomaaliyeed ee kasoo jeeda.

Intii ay xafladdu socotay waxaa si toos ah u soo wacay mid ka mid ah odayaasha nabad-doonnada ah oo shirka hoggaaminaya Tawane Sabriye oo uga warbixiyay shirka dadkii xafladda joogay; isagoo sheegay inuu shirku marayo xaalad aad u wanaagsan oo beelihii halkaas ku kulansanaa ay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan nabadda gobolka iyo midnimadiisa.    

Ugu dambeyn, xafladda oo lagu qabtay xaafadda Rinkeby oo Soomaali badani ay deggen yihiin ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi farxadeed oo ay dadkii kasoo qayb-galay ay ka muuqatay farxad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya