4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
Gudoomiyaha gobolka Sool ee xisbiga WADDANI ee Somaliland oo Maanta Xabsiga la Dhigay


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Sool ayaa maanta xabsiga loo taxaabay iyadoo aan la sheegin sababta loo xiray guddoomiyaha xisbigan mucaaradka ah ee Somaliland.

Cabdi Yuusuf Ismaaciil "Cabdi Majabe" oo ah guddoomiyaha WADDANI ayay ciidamada boolisku qabteen isagoo hawlhiisa wata sida ay HOL u sheegeen mas’uuliyiin xisbigaas ka mid ah xilli ay kulan deg-deg ah ku yeelanyeen xafiiskooda.

Sidoo kale, guddoomiya gobolka Sool, Yaasiin Maxamed Shidde ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay in hawshaa ay hadda ku jiraan ayna dhameynayaan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in saacadaha soo soda la filayaa inay ka hadlaan xariggan mas’uuliyiinta xisbigu sida ay sheegeen, iyadoo lagu xusay in xarigga uu salka ku hayo mudaaharaadyo lagu muujinayo sida ay uga soo hor-jeedaan muddo kordhinta xukuumadda Somaliland loo sameeyay, kaas oo ka dhici doona degaanno badan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool