4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
Xaflad Dhaqaale loogu Ururinayay Isbitaalka degmada Buulo-burte oo lagu Qabtay Toronto (SAWIRRO)


Isniin, May 11, 2015 (HOL) — Xaflad dhaqaale loogu Ururinayay Isbitaalka Magaalada Buula-buurte ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada. Xafladdaan ayaa waxaa soo abaabulay Rufaaci Mustaf Xaaji Shirwac, isagaoo kaalmo ka helay hay'adda Human Concern International oo ah hay'ad gargaar ka geysata meelaha ay dhibaatooyin ka dhacaan.

Waxaa xafladda warbixinno ka hadlaya taariikhada magaalada Buula-buurte kasoo jeediyey Dr. Maxamed Saciid Taabid, Prof. Togane iyo Paul Marino jecelna in loogu yeero Geedi Raage Roble.

Geedi waa nin u dhashay dalka Mareykanka balse si wanaagsan ugu hadla Afka Soomaaliga wuxuuna muddo kasoo shaqeeyey Isbitaalka magaalada Buula-burte.

Sidoo kale, xafladda waxaa kasoo qayb-galay laba musharax oo kala ah Axmed Xuseen oo u sharraxan xisbiga Liberalka ee xaafadda York South-Weston iyo Faysal Xasan oo isna u sharaxan xisbiga NDP-ga ee xaafaldda Etobicoke North.

Xafladdan ayaa laga aruuriyey dhaqaale gaaraya illaa iyo 10,000 oo doollar, iyadoo Rufaaci Mustaf oo u waramayey HOL uu sheegay in ololaha dhismaha Isbitaalka Buula-burte uu kasii socon doono dalalka Mareykanka iyo qaybo ka mid ah Qaaradda Yurub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya