4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2015
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo la Kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Somalia
Isniin, May 11, 2015 (HOL) :- Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Max’ed Cismaan, iyadoo kulankani ay uga wada hadleen arimo badan oo quseeya Soomaaliya.

Madaxdani ayaa waxa ay kormeereen xerada lagu tababaro ciidamada ee loo yaqaan Xero  Agoon, halkaasoo ay tababarro uga soconayaan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaalya kuwaasoo ay tababarka siinayaan saraakiil ka socota dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in labada masuul ay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo weliba sidii dowladda Imaaraadku ay uga qeybqaadan lahayd tayeynta iyo dhismaha ciidamada Soomaaliyeed.

Danjiraha dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Mudane Max’ed Cismaan oo isna warbaahinta la hadlay dhankiisa ayaa sheegay in dowladda Imaaraadku ay kordhin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo weliba sidii dalku ku gaari lahaa nabad iyo horumar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Imaaraadku ay Soomaaliya ka fulisay barnaamijyo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan qeybo ka tirsan gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya