4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
XASAN SHEEKH: Wadamada Carabta Waa inay Somalia Maal-gashi ku Sameystaan (SAWIRRO)


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta madaxtooyada Somalia kula kulmay danjireyaasha dalalka Carabta u jooga Somalia ayaa ka dalbaday inay Somalia maal-gashi ku sameystaan.

Xasan Sheekh ayaa danjireyaasha uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, Qorshaha Dhismaha iyo Isku-dhafka Ciidamada, Adeegyada Bulshada, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga.

“Waxaan idin kaga mahad-celinaynaa sida aad mar walba inoo garab-taagan tihiin, welina waan u baahannahay inaad sii wadaan taageeradiina. Gobollada Soomaaliya oo dhan waa kuwo kheyraad kala duwan leh, sidaa daraadeed waxaan idin ka codsanaynaa inaad maal-gashi ku sameysaan,” ayuu ka yiri madaxweyne Xasan kulanka uu danjirayaasha la qaatay.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Badeecadaheena waa inaad u furtaan suuqyadiinna, waayo waxay taasi naga caawineysaa inaan sameynno dib u kabasho dhaqaale oo waxtar leh u leh ummadda Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, danjirayaasha dalalka Carabta oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan horumarka siyaasadeed iyo dib u dhis Soomaaliya ka socda, ayna dalalkoodu sii wadayaan la shaqeynta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya