4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Midowga Yurub oo Maanta lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Munaasabad loogu dabaal-dagayay 65-sano guuradii kasoo wareegtay maalinta Midowga Yurub oo ku beegan maanta ayaa maanta lagu qabtay xarunta uu Ururka Midowga Yurub ku leeyahay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud, wasiirro, saraakiisha ciidamada, dublomaasiyiinta Caalamka u jooga Somalia iyo xubno ka socday Bulshada Rayidka ah.

Danjiraha Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Michael Cervone oo khudbad ka jeediaya xafladda ayaa sheegay in Soomaaliya uu is-bedel ka muuqdo Xilligan ka jiro ayna horay u socoto; loona baahan yahay in lasii wado tageerada uu Midowga Yurub siiyo Somalia.

Madaxweyne, Xasan Sheekh ayaa isna khudbad uu ugu talo-galay xafladdan wuxuu uga hadlay mashaariicda ay Reer Yurub ka Hirgelinayaan Somalia iyo Wadashaqeynta kala dhaxeeya dowladda Somalia uu sababay in la hirgeliyo heshiiska Hiigsiga cusub ee New Deal oo xambaarsanaa horumarro kala duwan oo dalku uu u baahan yahay.

“Waa maalin weyn oo qiimo badan manta. 65-sano ka hor Yurub waxay go’aansatay inay Midowdo ayna ka dhabeyso riyo aanay markaas u muuqan inay hirgeli karto oo ah nabad kuwada noolaasho iyo ka shaqeynta horumarkooda. Tallaabadaasi cashar ayay u tahay Dunida oo dhan, Gaar ahaan marka la eego xaaladda ka jirta dalkeenna Somalia, waxaana filayaa inaan wax badan oo xasilinta iyo horumarka ah aan kaga dayan karno,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarka ay Somalia gaartay ay suuro-gelisay in Dalka ay yimaadaan dublamaasiyiin badan oo Caalamka ka socda, kaddib markii uu soo hagaagay ammaanka dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub taageerada ay la garab-taagan yihiin Somalia, isagoo dhanka kalena ka codsadey dalalka Midowga Yurub in kaalmada ay siinayaan Somalia ay muhimada koowaad siiyaan Dhismaha Kaabeyaasha dhaqaalaha, si wax soo saarka Somalia suuqyo loogu helo, kaasoo koboca dhaqaalaha dalka qayb ka qaadan kara.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia Xasan ayaa wuxuu xafladda ku saxiixay heshiis ku saabsan xoojinta is-kaashiga iyo saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya