4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Madaxweynihii Hore ee Dalka Turkiga oo ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Madaxweynihii Hore ee Dalka Turkiga, Kenan Evren oo ahaa hoggaamiyihii af-gambigii uu dhiigga badan ku daatay ee dalkaas ka dhacay Sannadkii 1980-kii ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Xarunta Dalka Turkiga ee Ankara.

Evren ayaa ku Geeriyooday da’da 97-jir. Iyadoo Sannadihii lasoo Dhaafay lagu Xukumay Xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa af-gambigii Millateri ee ka dhacay dalkaas. Iyadoo la sheegay inuu ahaa nin aan murugo ka muujin doorkii uu ku lahaa Af-gambigaas oo ay dad badani ku dhinteen.

Ciidamada Millateriga Dalka Turkiga ayaa Sannadkii 1980-kii Xukunka Turkiga, Waxaana afgambigaas lagu xirxiray 500,000 oo qof oo, iyadoo boqollaal ruux lagu waayay, halka ay jirdil u dhinteen Boqollaal qof oo kale.

Xilligaas waxaa dalka Turkiga laga Mamnuucay Dhammaan Axsaabta Siyaasadda, waxaa la xiray hoggaaimayaashoodii, iyadoo si gaar ah loo beegsaday Xisbigii Dhaqaaqa Kurdiyiinta Turkigu ay lahaayeen.

Dhanka kale, waxaa jiray qaar ka mid ah shacabka Turkiga oo Af-gembiga soo dhaweeyay, kuwaasoo Aaminsanaa in Xasilloonnida waddankooda ay soo celinayaan ciidanka xukunka dalkaas la wareegay.

Balse waxaa necbaa siyaasiyiinta dalka Turkiga. Taasoo Keentay in Dastuurkii Dalkaas ee loo qaaday aftida dadweyne sannadkii 2010-kii lagu daro qodob ogolaanaya in la dacweeyo Hoggaamiyeyaasha Af-gambigaas ka dambeeyay ee weli nool.

Madaxweynihii hore ee dalka Turkiga, Kenan Evren ayaa ahaa ruux si aad ah u cadaadiya Axsaabta bidixda u janjeera, Kurdiyiinta, Waddaniyiinta iyo kuwa Islaamiyiinta ah ee dalka Turkiga ka jiray.

Ugu dambeyn, marka la eego xukunkiisii Millateriga Turkiga, wuxuu ahaa qof muhiim u ah illaa uu maamulkiisii dhammaaday, balse waxaa jiro dad badan oo aan ka murugoon doonin geeridiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya