4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Cuqaal iyo Waxgarad ay Ciidamada Somaliland ku xir-xireen Taleex iyo Rabshado ka Dhashay


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka degmada Taleex ee Gobolka Sool ayay ciidamada Somaliland saaka aroornimadii hore xir-xireen, taasoo ay ka dhasheen rabshado magaalada oo dhan saameeyay.

Waxgaradka la xirxiray oo ay ka mid ahaayeen, C/qaadir Abyan Koore iyo siyaasi xilal kala duwana kasoo qabtay maamullada Puntland iyo Somaliland oo lagu magcaabo Yaasiin Cali C/lle(Tamaad).

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Xarigga Waxgaradkan ka hadlayay ayaa xusay inay diideen Nabadeyntii labada beeleed ee Walaalaha ah, taasina waxay Sababtay in Ciddii diidda ay tallaabo ka qaadayaan.

"Haddii ay Nabadda qaadan waayaan waxaa loo Dhaadhicinayaa Xabsiga, Waana mid aanu ku Qasbanahay ciddii nabadda diidda in talaabo laga qaado,” ayuu yiri xildhiaan Saleebaan.

Koox dhallinyaro ah ayaa Rasaas ku Weeraray sida ay HOL u sheegeen dad Goob-joog ah halka ay deggen yihiin Mas’uuliyiinta Somaliland ee ku sugan Degmada Taleex, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo Weerarkaas ka dhashay marka laga reebo haweeney uu kasoo gaaray dhaawac dhagax la tuurayay.

Magaalada Taleex oo ay aafeeyeen colaado soo noqnoqday ayaa waxaa ku sugan haatan Xubno Golayaasha Somaliland ka Tirsan oo uu Hormuud u yahay Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Baashe Cali Jaamac halka Khadar Cali Jaamac oo ay walaalo yihiinna uu madax u ahaa guddigii gaaray go'aannadii u dambeeyey ee lagu qaboojinayay colaaddii deegaankaas ka taagnayd.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool