4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia oo ka Warbixiyay Darbiga Kenya ay Dhisayso iyo Qoxootiga


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta la kulmay Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u Qaabilsan arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, wuxuuna kaga jawaabay wasiirka guddiga su’aalo fara badan oo ay weydiiyeen.

Xildhibaannada guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay arrimo ay ka mid yihiin xalaada Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool iyo sidoo kale darbiga Kenya ay ka dhiseeyso soohdinta labada dal u dhexeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxamaan Odawaa oo ka jawaabaya su’aasha ku saabsan darbiga ay dowladda Kenya ka dhisayso Xadka ayaa sheegay inay u saareen guddi arrintaas la socda, kuwaasoo indhaha ku haya darbiga ay Kenya dhisayso.

Sidoo kale, wasiirka oo ka hadlay arrimaha qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku sugan, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Yemen, isagoo sheegay in dowladdu ay si dhow ula socoto xaalada qoxootigaas, gaar ahaan kuwa ku nool dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan.

“Guddiga waxaan uga warbixiyay arrimaha qoxootiga iyo dadaalka ay ugu jirto dowladda Somalia sidii dib loogu soo celin lahaa qoxootiga Somalia ee ku sugan dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan iyo wax u qabashadooda marka ay dalka kusoo laabtaan,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Guddiga Waxaan kaloo Wadaagnay Darbiga ay Xukuumadda Kenya Soohdinta ay la leedahay Soomaaliya, go’aanno cad-cad ayaana ka Qaadannay, waxaana go’aansannay inaan u dirno guddi ka kooban wasaaradda iyo guddiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka.”

Dhanka kale, waxaan isla garannay guddiga inaan berri oo Isniin ah kawada doodno qorshe Howleedka ay ku Shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Sannadaha 2015-ka iyo 2016-ka.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo federaalka ee Golaha baarlamanka Somalia, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kulanka kaddib isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku qanceen jawaabaha uu wasiirku ka bixiiyay su’aalihii ay kulankooda ku weydiiyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya