4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Al-shabaab oo Maanta soo bandhigay Filim ka hadlaya Weerarkii ay ka fulisay Kampala 2010-kii


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta soo bandhigay Filim ay kaga hadlayso weerarkii ka dhacay xarunta Uganda ee Kampala sannadkii 2010-kii kaasoo lagu dilay 76-qof oo shacab ahaa, kuwaasoo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobkii Adduunka ee sannadkaas lagu qabtay dalka Koonfur Afirka.

Warbixinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay 11-kii July 2010-kii ayaa loo adeegsaday Qaraxyo mataano ah, iyadoo sidoo kale ay ku dhawacmeen dad kale oo fara badan.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu fuliyay Salmaan Al-Muhaajir, iyadoo filimkan oo socday 12-daqiiqo, iyadoo Salmaan uu ku sheegay Hadalka uu jeediyay in Sababtu ay ahayd in Uganda ay hormuud ka ahayd ciidamada AMISOM ee Somalia jooga.

“Howlgalkan wuxuu ahaa mid Uganda looga aar-gudanayo dhibaatooyinkii ay ciidamada ka geysteen Somalia iyo dilal ay u geysteen dad badan oo Muslim ah iyo inay iska dhego-tireen digniinaha Al-shabaab kazoo baxaya,” ayuu yiri Salaam Al-Muhaajir oo weerarkan fuliyay.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray. "Horay ayaan idin kugu dignay, balse waad iska indho-tirteen; waan ka daalnay inaan digniino jeedinno, waxaana la gaaray in xanuunka aan idin dha-dhansiinno si aad u ogaataan inaan nahay kuwo ka dhabeyn kara dingiinahooda.”

Ugu dambeyn, hadalka Salmaan Al-Muhaajir oo ka mid ah ajaanibta Afrika ka yimid ee ka barbar dagaalamayay Al-shabaab ayaa weerarka uu Uganda ka geystay waxaa si aad a huga hadlay beesha caalamka.

Dalka Uganda ayaa waxaa ka jooga Somalia Kumannaan askari, kuwaasoo dagaallo Adag kula jira Al-shabaab, waxaana xukuumadda Uganda ay dhowr jeer ka digtay weerarro kale oo ay Al-shabaab ka geysato dalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa sidoo kale, weerarro qaraxyo ah ka geystay dalalka Kenya iyo Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo kooxdu ay dhowr jeer ku goodisay inay weerarro kale ka geysan doonaan dalalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya