4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Saraakiisha Booliiska Howl-wadaag oo ka Warbixiyay howlgal ay ku soo Furteen Gabar Afduubnayd


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Saraakiisha saldhigga booliiska degmada Howlwadaag ayaa ka warbixiyay maanta howlgal ay kusoo badbaadiyeen gabar 14-jir ahayd oo lagu afduubay Muqdisho, kaasoo ay wadajir u sameeyeen ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda Qarnka.

Taliyaha saldhiga booliiska ee Suuqa Bakaaraha, Col. Xuseen Siciid Jimcaale ayaa sheegay in markii lagu soo wargeliyay gabadha yar ee la afduubtay ay sameeyeen howlgal, ayna ka soo heleen guri jiingad ka sameysan oo gabadha lagu qarinayay.

“Howlgalku wuxuu ahaa mid aan ku raadinayno gabadha oo muddo 24-saac ah maqnayd, waxaanan kasoo helnay guri uu qashin ka buuxo oo gabadha lagu qarinayay. Aabbaha gabadha ayaa taliska booliska kusoo wargeliyay in gabadhsiisa la afduubay, laguna xiray lacag madax-furasho gaareysa 10-kun oo doollar,” ayuu yiri Col. Jimcaale.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in dad dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug ku lahaayeen afduubka gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna xusay inay soo taagi doonaan maxkamad.

Gabadha la Af-duubay Aabbaheed oo lagu magacaabo Maxamuud Cismaan oo la Hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay inay layaab ku noqotay in gabadha uu dhalay ee afuubka loo qabsaday lagu hayay meel ku dhow gurigiisa.

“Waxaan aad ula yaabay in gabadheyda lagu hayay guri ii dhow, kooxihii afduubtay ayaa gabadha markii ay banaanka guriga ka wateen i soo wacay, waxayna i dhaheen hadaadan keenin 10,000 oo doollar ay maydka gabdaha ii soo dhigi doonaan bannaanka,” ayuu yiri Cismaan.

Ugu dambeyn, afduubkan ayaa noqday mid hadal-haynta dadweynuhu ay ku badan tahay maanta oo Axad ah, iyadoo goob walba oo ay bulshadu isugu timaaddo looga hadlayo afduubka gabadhan yar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya