4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2015
Tartan Ciyaaraha Kubada Cagta oo ka furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay


Axad, May 10, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka furmay tartan cayaareed kubadda cagata ah oo 30 kooxood oo ka dhisan Baydhabo ay ka qayb-galayaan.

Tartankan ayaa ah mid lagu maamusay cayaaryahan Cabdullaahi Baynax Yusuf oo ka mid ahaan jiray cayaartooyda Qaran Somalia, isagoo sidoo kalena u ciyaari jiray naadigii Mad-bacadda Qaranka, wuxuuna markiisii hore ka mid ahaa ciyaartoyda gobolka Bay.

Ciyaaryahan Baynax ayaa markii uu dalku burburka galay wuxuu ka mid noqday ciyaartoy-dii dalka dibaddiisa u qaxay, isagoo ku noolaa tan iyo xilligaas dalka Denmark.

Guddoomiyaha cayaaraha gobalka Bay, Cabduqaadir Shariif Xerow ayaa ka hadlay furitaan kooxaha cayaaraha ka furmay garoonka Ayuub ka qayb-galaya ayaa ka hadlay waxqabadka Baynax ee dhinaca cayaaraha gobalka iyo waxqabadka cayaartoyda gobolka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka codsaday cayaartooyda kale ee dibadda dalka ku maqan inay wax la qabtaan dhallinyarada cusub ee doonayso inay meel sare gaaraan.

Ugu dambeyn, Tartanka Furmay ayaa waxaa kasoo Qayb-galay ku dhawaad Kumannaan dhalinyaro ah, iyadoo ay ka muuqato farxad iyo inay yihiin kuwo aad u xiiseynaya ciyaaraha kubadda cagta.

Hiiraan Online, Baydhabo