4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Maxkamad diidday inay joojiso dacwo ka dhan ah Jen. Maxamed Cali Samatar

Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah diidday in la joojiyo kiiska dacwad ka dhan ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Cali Samatar taasoo ay u soo gudbiyeen dad sheeganayay inuu ka dambeeyay xad-gudubyo loo geystay dad ehelladoda ka mid ah intiii ay jirtay dowladdii milateriga ahayd ee Somalia.

Dacwadda ka dhanka ah Jen. Samatar ayaa ku saabsan jir-dil uu mas’uul ka ahaa xilliyadii uu ahaa wasiirkii hore ee difaaca Somalia 1980-kii iyo xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraaha Somalia intii u dhexeysay 1987-dii - 1990-kii.

Kiiskan ayaa markii ugu horreysay loo gudbiyay maxkamadda Virginia sannadkii 2010-kii, iyadoo garsoorayaashu ay u ogolaadeen Jen. Samatar in uu iska difaaco eedeymaha lagu soo oogay; laakiinse waxaa laga yaabaa in go’aan ay ka gaarto dacwaddiisa maxkamadda iyadoo loo eegayo sharciga guud ee Mareykanka.

Jen. Maxamed Cali Samatar oo 77-jir ah ayaa haatan ku nool Virginia oo uu tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay ku noolaayeen isaga iyo qoyskiisa. iyadoo ay socoto dacwadda ka dhanka ah muddo sannado ah.

Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbiyeen dad Soomaali ah oo doonaya in mag-dhaw laga siiyo jir-dil xad-gudubyo ay askartii Somalia xilligii ay dowladdii milateriga ahayd jirtay, kuwaasoo ku ashtakoonaya in Jen. Maxamed Cali Samatar uu bixiyay amarka lagu waxyeelleeyay dadkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Jen. Samatar aan lagu eedeyn karin wax dambi ah, iyadoo maxkamadda sare ay sheegtay bishii November 2012 in lasii wado dacwadda Jen. Samatar ka dhanka ah. Iyadoo dowladda Mareykanka ay sannadkii hore si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Somalia tan iyo markii dowladdii hore xukunka laga tuuray sannadkii 1991-kii.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa horay maxkamadda sare ugu boorrisay inaysan dhageysan kiiska dacwadda loo haysto madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, dadka dacwaddan soo gudhiyay ayaa ku andacoonaya in Jen. Samatar uusan shaqsi ahaan geysan xadgudubyadii lagula kacay ehelladooda, balse uu ahaa mas'uulkii ku bixiyay amarka in dhibaatooyinkaas la geysto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya