4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Wafdi uu horkacayo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo booqanaya Qansax-dheere


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Madaxweyne maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, Shariif Sh. Xasan iyo xubno wasiiradiisa ka mid ah ayaa saaka gaarey degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay, kaddib markii uu shalay booqashay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wasiirada socdaalka ku wehliayay Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah Madoobe Nuunow Maxamed oo uu dhawaan u magacaabay xilka wasiirka xannaanada xoolaha ee maamulka Koonfur-galbeed.

Degmada Qansax-dheere oo Baydhabo u jirta 90-km ayaa ka mid ah dhowr degmo oo ay Al-shabaab go’doomin ku hayso muddo sannado ah, waxayna Shariif Xasan iyo wafdigiisa kulammo la yeesheen waxgaradka degmadaas.

Sidoo kale, wafdiga maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee degmadaas ku sugan, iyagoo kala hadlay sidii amaanka wax looga qaban lahaa si dadka ku dhibaateysan magaaladaas gargaar loo gaarsiiyo.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad amniga adkeysaan, waddooyinka u xiran Al-shabaabna aad u furi lahaydeen, si shacabka degmada ku nool ay u heli lahaayeen gargaarrada loogu talo-galay,” ayuu Shariif Xasan ka sheegay kulankii uu la qaatay saraakiisha ciidanka ku sugan degmada Qansax-dheere

Ugu dambeyn, degmada Qasax-dheere ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka wax-soo-saarka leh ee ku yaalla gobolka Bay, iyadoo miraha ka baxa ay u badan yihiin; masagada, Lowska iyo Sisinta.

Hiiraan Online, Baydhabo