4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Wasiirka Warfaafinta oo la Kulmay Qaar ka mid ah Wariyeyaasha (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howl-gala warbaahinta madax-bannaan ee Soomaaliya, iyadoo uu kulanka uu wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta goobjoog ka ahaa iyo qaar ka mid ah wariyeyaasha warbaahinta ay dowladdu leedahay ka howlgala.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim, waxaana intii kulankaani socday la isku dhaafsaday fikirro ku saabsan sida ugu wanaagsan oo ay wada-shaqeyni u dhex-mari lahayd warbaahinta madax-bannaan iyo madaxda cusub ee wasaaradda warfaafinta.

Mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inay wada-shaqeyn joogto ah dhex-marto maamulayaasha warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda warfaafinta.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta ayaa kulanka ka sheegay in mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta oo uu isagu ugu horreeyo ay ka go’an tahay inay si dhow warbaahinta dalka ka howlgasha ula shaqeeyaan; maadaama ay mas’uul ka tahay dhammaan warbaahinta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhex-mara wasiirka warfaafinta Somalia iyo suxufiyiinta warbaahinta Somalia ee ka howlgasha dalka, tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya