4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Dowladda Somalia oo Gudniinka Fircooniga ka Mamnuucday Somalia oo dhan


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay maanta in dalka uu mamnuuc ka yahay gudniinka gabadhaha lagu sameeyo ee loo yaqaano Fircooniga, isagoo tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya ruuxii lagu helo in gudniinkaan uu ku sameeyay gabadhiisa sharciga lala tiigsan doono.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in muddo badan dadka laga soo wacyi-geliyay gud-niinkaas, loona sheegay dhibaatooyinkiisa, wacyi-gelintii horena ay ku filan tahay dadka Soomaaliyeed, wixii hadda ka dambeeyana uu dalka ka yahay dambi cad.

Sidoo kale, xeer-ilaaiyaha Qaranka ayaa sheegay inay u aqoonsan yihiin gudniinkaasi fal dambiyeed, isagoo ballan-qaaday in maxkamad lasoo taagi doono hooyadii, aabbihii iyo dhaqkhiirtii gabar Soomaaliyeed qaabka firconiga ah u guda.

“Gudniinka fircooniga ah waxaan u aqoonsannahay fal dambiyeed ka mid ah dambiyada a gal iyo in dhaawac culus oo geystay qof muslim ah. Haddaba waxaan ballan-qaadayaa, gabar gudniin fircooni ah lagu sameeyay hooyadii, aabihii iyo islaantii mindiyaha wadatay ee u geystay in sharciga la hor-keeni doono, maxkamadna la saari doono,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in culummada Soomaaliyeed ay wax badan ka hadleen gud-niinka fircooniga ugana digeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadku ay qabaan wacyi-gelinno ku filan.

Warbixin ay sanadkii 2013-kii ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay 98% haweenka Soomaaliyeed ee da’doodu u dhexeyso 15-jir - 49-jir gudniinka fircooniga ah lagu sameeyay.

Caalamka oo dhan ayaa waxaa gudniinka noocan ah laga isticmaalaa 19 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo 20-kii sano ee aynu soo dhaafnay ay dalalkaas ka socdeen wacyi-gelinno ku aaddan sidii looga joojin lahaa gudniinka noocan ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo go’aan sidan oo kale ah lagu dhawaaqo Soomaalihya, hase ahaatee waxaan la ogeyn waxa arrintaan oo Soomaalidu ay ka dhigteen caado uu amarkan ka bedeli karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya