4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu Toogtay Duleedka Magaalada Johannesburg


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada Somalida ah ee ganacsiga ku leh duleedka magaaladaas.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray, Shirwac Xasan ayaa waxaa dilkiisa ka dam-beeyay nin u dhashay waddanka Koonfur Afrika, kaddib markii uu ku weeraray dukaan ku lahaa deegaan ku dhow magaalada Johannesburg.

Booliiska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay iyagoo wada baaritaanno la xiriira sababta ka dambeysay dilka loo geystay ganacsadahan Soomaaliyeed iyo ruuxii ka dambeeyay dilka.

Dilkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo todobaad gudahiisa ka dhaca waddanka Koonfur Afrika, waxaana horay loo dilay laba qof oo Soomaali ah oo ganacsi ku lahaa magaalooyin ka tirsan dalkaas.

Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxay la kulmaan falal ay ka mid yihiin dil, dhaawac iyo dhac; waxaana xilli walba ay yihiin kuwo wal-wal ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya