4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Duleedka Magaalada Khartuum

Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Tahriibayaal Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 13-qof ayaa ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay dulleedka magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan.

Dadkan ayaa ku tahriibayay gaariga ay Soomaalidu u taqaano Xaajiyadda ama TOYOTA HILUX , kaasoo ka dhacay meel qar ah xilli uu xawaare sare ku socday, waxaana goobtaas ku geeriyoodeen tobaneeyada tahriibe ee Soomaalida ah.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Somalia ay ku leedahay Khatruum ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday shilka wajiyadooda la aqoonsan la’yahay, isla markaana uu shilku ahaa mid aad u fool xun.

“Wuxuu ahaa shilku mid aad u fool xun tahriibayaashii ku geeriyoodayna waa la aqoonsan la’yahay wajiyadood, hal gabar oo dhaawac ah ayaa ka nool dadkii gaariga saarnaa, dhaawaceeda waa culus yahay, waxaa la dhigay Isbitaalka Umu-Durmaan,” ayuu yiri sarkaalkan oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu intaas ku daray in meydadka aan la aasi karin, maadaama ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo magacyada dadka shilka ku geeriyooday, isagoo xusay in safaaradda Soomaaliya ay waddo dadaal ku aaddan sidii dadkaas dhintay sawirradooda ama magacyadooda lagu ogaan lahaa.

“Dadkan ku geeriyooday shilka la iskama aasi karo, dalkan waa dal sharci ka jiro safaarada ayaa warqad u qortay dowladda, baaritaanno ayaana socda, waxaa rabnaa intaan la aasin inaan magacyada 13-kaas qof oo dhan lasoo bandhigo si eheladooda u ogaadaan,” ayuu yiri sarkaalkan oo safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ka tirsan oo lagu magacaabo Fiidow.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Suudaan ayaa blihii lasoo dhaafay waxay aad u adkeysay dal ku galkeeda, iyadoo mamnuucday dadka sida sharci-darada ah u galayaan dalkeeda si ay uga sii tahriibaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya