4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Diyaarad ku shaqeysa ileyska qorraxda oo Abu-Dhabi ka duushay (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Diyaarad ku shaqeyneysa ileyska cad-ceedda ayaa si ti-jaabo ahaan uga duushay magaalada Abu Dhabi ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta. Diyaaradan ayaa lagu magacaabaa Solar Impulse-II, iyadoo noqonaysa tii labaad oo lasoo bandhigo.

Diyaaradan ayaa leh kursi keliya, iyadoo baalashana ay uga xiran yihiin qalab soo jiidaya ileyska cadceedda, sidoo kalena waxaa diyaaraddaan la filayaa in shanta bilood ee soo socota ay isaga gooshto qaaradaha adduunka iyadoo dulmaraysa badaha waaweyn ee Pacific-ga iyo Atlantic-ga.

Sannadkii 2013-kii ayaa diyaarad ku shaqeysa ileyska cad-ceedda oo la Impulse-1 lagu soo bandhigay Mareykanka, iyadoo diyaaradan Imaaraadka lagu soo bandhigay ay si weyn uga duwan tahay diyaaraddaas.

Fikirka diyaaraddan lagu sameeyay ayaa waxaa labaa laba khabiir oo dalka Switzerland u dhashay, kuwaasoo lagu kala magacaabo Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg, iyagoo si tijaabo ah u duuliyay.

Diyaaraddan ayaa waxay mari doontaa dalal kala duwan, iyagoo tallaabadan ay tahay mid gubdin doonta farriin ku aaddan isticmaalka tiknoolajida aan wax yeelayn deegaanka.

Ugu dambeyn, diyaaraddan cusub ayaa leh baalal balaceedu gaarayo 72 mitir, halka culey-skeeduna dhan yahay 2.3 tan, iyadoo aad uga fudud diyaaradaha kale ee caadiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya