4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
JEN. DIINI: Dowladu waxay u Tanaasulaysaa danta Shacabkeeda (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo socdaal ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guri-ceel, isagoo sidoo kalena kormeeray dugsiga tababarka qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM ka tirsan.

Jen. Diini ayaa sheegay in dowladda Somalia ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda; isla markaana ay hadda dib ugu noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay.

“Aad iyo aad ayaan uga xumaha inaad kasoo barakacdaan guryihiinnii oo ay halkan idinku haysato dhibaato, waa murugo inaan aragno mustaqbalkeennii oo ay haysato nolol xumo iyo waxbarasho la’aan, waxaase murugo kale ah inaan arko ilmo yar oo haysan gabaad oo geedaha korkooda saaran, waxaan arkay ilmo 8-sano ka yar oo qori loo dhiibay halkii iskuul looga diri lahaa,,” ayuu yiri wasiirka difaaca.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaa ku daray. “Dhammaan arrimahan waa kuwo ay sababeen colaadda, waxaan arkay mustaqbalkii dalkeena oo meelo bannaan ah ku dayacan. Waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno - una istaagno inaan isku tashanno oo aan ka gudubno dhibka na dhex-yaalla ee noo diidan horumarka,” ayuu yiri wasiirka difaaca oo la hadlayay dadkii isagoo barakacay magaalada Guri-ceel.

Wasiirka ayaa intaas kaddib kormeer ku tagay suuqyada magaalada Guriceel halkaasoo ay dadku dib ugu soo laabanayaan ganacsigoodii, waxyna uga mahadceliyeen wasiirka dadkii kala duwanaa ee lala kulmay heshiiska uu hormuudka u ahaa ee laga gaaray colaaddii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacday deegaanka.

Dhanka kale, wasiirka ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada ee Har-qaboobe, wuxuuna halkaas kula hadlay saraakiisha ciidanka xogga, isagoo ku ammaanay sida ay uga go’an tahay nabad in wax walba lagu raadiyo, iyadoo ay ammaanka xerada la wareegeen ciidamada AMISOM.

“Ujeedkeennu waa inay dadku nabad helaan dibna guryahoodii dib ugu soo laabtaan, goob-tan oo ahayd fariisin ciidamada hadda waxaa sii joogi doona AMISOM oo maanta aan ku wareejinnay isla markaana sugi doona amniga goobihii lagu dagaalamay, mar walba waa naga go’an tahay in dadkeena ay xasillooni ku joogaan guryahooda waayo waxaan khibrad ahaan noogu filan colaadilhii aan soo marnay labaatankii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu mar kale ku daray hadalkiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya