4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Ururka NUSOJ oo Hambalyada 8-da Maarso u diray Haweenka Soomaaliyeed
http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2015/03/IMG_9437.jpg

Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa hambalyo ku aaddan maalinta haweenka dunida ee 08-da Maarso u diray haweenka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay NUSOJ ayaa lagu sheegay in NUSOJ ay sii joogteyn doonto taageerista haweenka Soomaaliyeed iyo u qareemistooda.

Ururka Saxafiyiinta Qaranka ayaa ku baaqay in la siyaadiyo doorka hoggaamineed ee gab-dhaha wariyeyaasha ahi ku leeyihiin warbaahinta Soomaalida, maadaama ay ku jiraan qaar leh aqoon durugsan iyo karti hoggaamineed oo wanaagsan.

"Gabdhaha suxufiyiinta Soomaaliyeed ka mid ah waxay door weyn kasoo qaateen koboca iyo tayeynta warbaahinta dalkeena, waana mudan yihiin ay door hogaamineed ku yeeshaan warbaahinta," ayaa lagu war-saxaafadeedka NUSOJ oo uu ku saxiixnaa xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim.

Ugu dambeyntii, ururka NUSOJ wuxuu u rajeeyey haweenka Soomaaliyeed guul iyo in sanadka sandkiisa xiga horumar iyo barwaaqo Ilaah ku gaarsiiyo.

Munaasabadda 8da Maarso ayaa maanta laga xusey meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan, magaalooyinka xafladaha waaweyni ka dhaceen waxaa kamid ah: Muqdisho, Baydhabo, kismaayo, Hargeysa, Garoowe iyo Gaalkacayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya