4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Xubno ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha oo booqanaya Balcad (Sawirro)


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa booqanaya degmada Balcad iyo tuulooyina hoos-taga iyagoo degmadaas ka billaabay wacyi-galin ku saabsan sidii shacabka degmadaas ay u sameysan lahaayeen golayaasha deegaankooda.

Xubnahan oo uu hoggaaminayay agaasimaha xiriirka wasaaradda, Cabdifataax Cali Xasan ayaa la kulmay mas’uuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo u sharaxay dadka hab-raaca maamul u samaynta iyo tilmaamaha ay tahay in loo raacayo marka lasoo xulayo ergooyinka iyo hab-raaca xulista 21-ka xubnood ee golaha deegaanka.

Deegaannada ay xubnahan booqdeen ayaa waxaa ka mid ah Garas-bintow, Caro-faag iyo tuulooyin kale oo Balcad hoos-yimaada, iyagoo u kuur-galay xaaladaha deegaannadaas ka jirta, iyagoo goobahaas ka billaabay wacyi- galinta dhismaha golaha deegaanka Balcad.

Maamulka dagmada oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka Balcad iyo wafdiga ka socda wasaaradda arrimaha gudaha ayaa si wadajir ah ugu gudbiyay fariimo ku saabsan dhismaha maamul ay yeeshaan shacabka ku nool degmada Balcad, kaasoo ay soo doortaan bulshada, waxayna dadka u sharraxeen faa’iidada maamulka ay soo dooranayaan uu u leeyahay.

Wafdiga ayaa tilmaameen in haddii shacabka degmadaas ay soo doortaan maamul ay iyagu leeyihiin ay heli doonaan;

1. Isbitaal casri ah oo lacag la’aan ugu adeega
2. Xarumihii maamulka oo la dhiso
3. Laba iskuul oo kala ah gabdhaha iyo wiilasha oo lacag la’aan ah
4. Saldhig iyo xarumaha garsoorka oo la dayactiro
5. Mashaariic lagu hormarinayo dhaqaalaha degmadaas
6. Xarumo caafimaad ee loo yaqaan MCH-yo
7. Dhismaha xarumha dhallinyarada iyo haweenka iyo kuwo kale

Shacabka Balcad ayaa si diirran u soo dhaweeyay qorshaha wasaaradd ay u waddo iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay maqlaan inay maamulkooda soo doortaan; halka maamulladii hore loo soo magaacaabi jiray.

Dhanka kale, kooxaha cayaaraha iyo barbaarta gaashaaman ayaa halkaas kusoo bandhigay suugaan iyo cayaaro ay kusoo dhawaynayaan qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha xiriirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/fataax Cali oo la hadlay shacabka ay kula kulmeen tuulooyinka hoostaga degmada Balcad ayaa u sharraxay ujeedka socdaalkooda, isagoo xusay inuu la xiriiro wacyi-galinta dhisamaha golayaasha deegaanka iyo faa’iidooyinka ay dadku ka heli karaan hadii ay doortaan maamulladooda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii lagu guuleysto qorsha ay wasaarada arrimaha guduhu waddo ee la xariirta dhismaha golaha deegaanka degmada Balcad ayaa waxay gogol xaar u noqon doontaa in laga dhabeeyo rajada ku aaddan sidii lagu gaari lahaa Hiigsiga 2016-ka ee lagu doonayo in doorashooyin ay ka dhacaan dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya