4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Maalinta haweenka adduunka oo laga xusay degmada Buuhoodle (SAWIRRO)


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay 08-da Maarso oo ah maalinta haweenka adduunka oo ay soo agaasintay wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland ayna kasoo qayb-galeen ururrada haweenka, dhallinyaro, aqoonyahano, culummaa’uddiin iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta lagu qabtay magaalada Buuhoodle.

Hal-ku-dhiga munaasabadda maanta oo loo doortay  - Abaabulka dhiirri-gelinta Dhaqaaqa iyo Horumarinta Haweenka - ayaa waxaa ugu horreyn ka hadashay isku-duwaha wasaarada haweenka gobolka Cayn, Adna Cali Axmed oo ka warbixisay maalintan iyo faa'iidada ay u leedahay haweenka.

Caasha Jaamac Dhuux iyo Amaal Faarax Nadiif oo ku hadlayay afka ururada haweenka ee gobolka Cayn ayaa iyaguna halkaas hadallo ay haweenku ku dhiirri-gelinayeen, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sidii ay kor ay isugu qaadi lahaayeen haweenka dhinac kasta oo ay tahay.

Sheekh Cawil Abshir Xaashi oo ka mid ah culumada gobolka Cayn ayaa isaguna ka digay tacadiyada haweenka loo geysto, wuxuu kaloo ka hadlay xuquuqaadka ay haweenka siisay shareecada Islaamka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Cayn, Maxamed Xasan Faarax oo soo af-meeray munaasabada ayaa xusay inay soo dhweynayaan tallaabo kasta oo ka qaybqaadanaysa horumarinta haweenka.

Magaaladda Buuhoodle ayaa sanad walba waxaa xus kanoo kale ah ku qabta wasaaradda haweenka Puntland; iyadoo aan maamulka Khaatumo oo taageerada deegaankaas haysta aanay soo hadal-qaadin.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool