4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Laba Wariye oo maanta loo taxaabay xabsiga Magaalada Berbera ee G/Saaxil


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Saaxil ayaa la sheegay in ay maanta xidheen laba wariye oo ka hawlgalla magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Labadan wariye oo magacyadoodda la kala yidhaa Mubaarak Cismaan Siciid (Nirig) oo ka hawlgalla telefishanka Star  iyo C/raxmaan Maxamed Cigge oo ka hawlgalla telefishanka Royal ee af soomaaliga ku hadla.

Guddomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa si kooban uga hadlay xadhiga wariyeyaasha, waxaanu sheegay inay wariyeyaashaasi xidhan,isla markaana u xidhna yihiin dambi ay galeen.

“Dee waa xidhan yihiin …waxaa lagu xidhay dambi ay galeen” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar, waxaanu intaas ku sii daray “Website-yada ka akhrista dambigay galeen..dambigay galeen website-yada ayay ku cad yihiin, waana mahadsan tihiin”

Barasaabku ma faahfaahin sababta u xidhan yihiin iyo dambiga ay galleen nooca uu yahay, haseyeeshee, saxaafadda oo xariga wariyeyaashaasi wax ka waydiiyey ayaa si kooban uga jawaabay inay xidhan yihiin.

Illaa hadda ma cadda sababta loo xiray, balse waxaa lagu eedeynayaa in xarigooda uu ahaa mid uu amray badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland