4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo laga Qabtay Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 08-da bisha Maarso 2015, ayaa guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya waxaa looga dabaal-dagayaa xuska munaasabada maalinta haweenka adduunka.

Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabadda qeyb ka ah xuska 08-da Maarso, waxaa ka qayb-galay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol, mid degmo iyo  xubno ka tirsan ururrada haweenka gobolka.

Haweenkii ka qeyb-galay munaasabada ayaa marka laga soo tago dabaal-dagga ay la qeyb-sadeen haween weynaha adduunka, waxay sheegeen in ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysta haweenka Soomaaliyeed, ilaa iyo haddana aan tallaabo muuqata laga qaadan.

Gaar ahaan waxay si wadda jir farta ugu fiiqeen tacadiyada dhinaca jinsiga ee ku dhaca dumarka Soomaaliyeed, iyadoo sanadihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen xad-gudubyo loo geystay tiro haween Soomaaliyeed ah kuwaa oo u badnaa dar-yar looga faa'ideystay siinta gargaar bani'aadannimo.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoorre oo xafladda ka hadlay ayaa xusay in marnaba aan la iloobi karin doorka haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan guud ahaanba nolasha aadanaha, isaga oo sheegay  in maamul ahaan ay u taagan yihiin ilaalinta xaquuqda haweenka.

Siddoo kale, waxaa munaasabada ka hadllay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sh. Xuseen Cismaan Cali oo sheegay in haweenku la-fabar muuqata u yihiin Qaranimada Somalia, isaga oo sheegay in ay door muhiim ah kasoo qaateen xoriyadii dalka oo ay naftooda ku waayeen.

 Haweenkii ka qeyb-gallay munaasabada 08-da Maarso ee maanta lagu qabtay Beledweyne ayaa ugu baaqay dhamaan maamulada ka jira gobollada dalka iyo dowladda federaalka in ay hoos u eegaan xaquuqda haweenka Soomaaliyeed oo sidda ay sheegeen in badan la oran karo waa ay ka gaabiyeen ilaalinteeda.

Baaqa haweenka gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili wasiirka wasaarrada haweenka iyo hormarinta xuquuqul Insaanka Sahro Max'ed Cali Samatar sheegtay in wixii hadda ka danbeeya dowladda Soomaaliya u dul-qaadan doonin tacadiyada kala duwan ee  ku dhaca haweenka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya