4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Dowladda Soomaaliya oo ka Qaybgalaysa Shirka Wasiirada A. Dibada Carabta


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta tagay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo ka qaybgalay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, kaasoo berri ka furmaya xarunta Jaamacadda Carabta .

C/salaam Hadliye ayaa shirkan ku meteli doona Somalia iyadoo la filayo inuu khudbad ka jeediyo kulanka, taasoo uu kaga hadli doono horumarada ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Somalia iyo qorshaha hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in wasiirada arrimaha dibadda dalalka Carabta ay ka hadli doonaan arrimaha dalalka Somalia, Libya, Syria, Yemen iyo Falastiin, iyagoo u gogol xaari doonaan shir-madaxeedka dalalka Carabta oo lagu wado inuu ka dhaco Sharma El-sheikh 28-ka illaa 29-ka bishan Maarso.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha Somalia ayaa kulamo kala gaar-gaar ah la yeelan doona qaar ka mid ah wasiirrada iyo danjirayaasha shirkaasi kasoo qaybgeli doona, isagoo kala hadli doona danaha Soomaaliya kala dhaxeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya