4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Wasiirrada Koonfur-gabeed oo ka hadlay qodobbo uu ka mid ahaa Ammaanka

Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Kulun uu madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh ayaa shir guddoominayay manta kulan ay ku yeesheen Baydhabo wasiirrada maamulkikiisa, kaasoo warbixin looga dhageysty wasiirro ka tirsan maamulka oo dhawaan booqaday degmada Buur-hakaba iyo deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirradu waxay sheegeen in halkaas ay ka jirto xaalado bini’aadamnimo oo adag, isla markaana dadka deegaannadaasi aysan haysanin wax biyo ah, dhammaan ay gureen ceelasha iyo waraha ay isticmaali jireen.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta dowladda Koonfur-galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka warbixin, qodobadii looga hadlay kulankii golaha wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed, isagoo sheegay in natiijo wax ku ool ah uu kasoo baxay kulankaas.

Dhanka kale, kulanka wasiirrada ayaa waxaa kaloo looga hadlayisla qodabbo ay ka mid yahiin sidii xeer-hoosadka maamulka Koonfur-galbeed uu yeelan doono sidii loo dhamey-stiri lahaa.

Amniga deegaannada maamulka Koonfur-galbeed ayaa sidoo kale kulankan looga hadlay, iyadoo la isku raacay in laga shaqeeyo sidii amniga guud ee deegaannada maamulka loo adkeyn lahaa.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta maamulka KMG Koonfur-galbeed ayaa  la weydiiyay su’aal ku saabsan sida lagu gaarsiin karo gargaar deegaanada qaarkood, wuxuuna ku jawaabey in degmooyinka gobolka Bay ay xor yihiin marka laga reebo degmada Diinsoor oo uu sheegay in goor-dhow iyadana la xoreyn doono.

Si kastaba ha ahaatee, Xilliga jiilaal ah oo bisha Maarso ayaa deegaanno ka mid ah gobalka Bay laga soo sheegayaa xaalado biyo la’aan oo qaar ka mid ah dadka ku qasbay inay deegaannadooda ka barakacaan.

Hiiraan Online, Baydhabo