4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Haweenka G/Mudug oo taageero u Muujiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir

Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Haweenka gobalka Mudug ayaa dhigay dibad-bax ay ku taageerayaan guddoomiyaha gobalka Banaadir,ahna duqa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho,Xassan Maxamed Xusseen (Muungaab).

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo warbaahinta hadal ka jeediyay ayaa maalmo ka hor sheegay in dib loogu celinayo shacabka boosaska iyo dhulalka ku lahaa Muqdisho oo dalka ka cararay ka dib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somaliya.

Dibad-baxa ayaa waxaa ka soo qayb gashay Faadumo Maxamuud Xaaji Aadan oo ka mid ah dadka ku nool magaaladda Gaalkacyo ee dib u helay dhul ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Faadumo Maxamuud Xaaji Aadan iyo dhammaan dadkii kale ee ka soo qayb galay dibad-baxa ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho uga mahadceliyay talaabadaan muhiimka ah ee uu qaaday.

"Aadban ugu mahadcelinaya tallaabada uu guddoomiyaha gobolka Banaadir dib uu ugu soo celiyay dhulkii naga maqnaa muddada dheer,waan ku dhiiri-galinayna,waxaana meeshan u nimid inan u mahadcelino,"sida waxaa tiri Faadumo oo sheegtay inay wax ku lahayd dhulka uu maamulka gobolka Banaadir dib usoo celiyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lugu ammaanay dadaalka uu ugu jiro soo celinta guryaha iyo dhulka ka maqan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo  siyaabo kala duwan loo qabsaday sanidhii burburka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]