4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Madaxda Somalia oo Maanta u Hambalyeeyay Haweenka Somalia (SAWIRRO)


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa hambalyo ku aadan 08-da Maarso oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka caalamka u diray haweeenka Soomaaliyeed.

“Waxaan qirayaa in haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin dalka iyo bulshada dhexdooda. Haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo geesinimo labataankii sanno ee lasoo dhaafey ee colaadda ay dalkeenna ka jirtey. Iyagoo xaalad adag ku jira ayay hadana waxay muujiyeen adkeysi, waxayna ku guuleysteen inay abuuraan rajo iyo rabitaankooda ku aaddan in nabad iyo kala dambeyn dalka lagu soo dabbaalo. Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu intaas raaciyay. “Caalamka ma jiro waddan qura oo si dimuquraadi ah horumar ku gaaray iyadoo aysan haweenka kaalin buuxda ka qaadan qaybaha kala duwan ee adeegyada Qaranka. Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hor imaan kara in xuquuqda haweenka laga doodo, si dhab ah wax looga qabto, lana ilaaliyo shuruucda ku saabsan hirgelinta xuquuqda dhameystiran ee haweenka.”

Xasan wuxuu intaas raaciyay hawlo badan ayaa ina horyaalla, kuwaasoo ay tahay inaan si wadajir ah u shaqeyno si wax loogu qabto haweenka Soomaaliyeed. Waa in meesha laga saara wax alaale wixii caqabad ku ah haweenka inay doorkooda ka cayaaraan bulshada dhexdeeda, in codkooda la maqlo ha noqoto bulshada oo dhan amaba si gaar ah. Iyadoo aanu wadno horumarinta hay’adaheena dowliga ah, waa inaan xaqiijinaa inaanay jirin wax caqabad ah oo ka hor-is-taagaya haweenka inay kaalin ku yeeshaan adeegyada bulshada ee kala duwan.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah waxbarashada oo loo baahan yahay in lagu baahiyo Somalia oo dhan si ay gabdhaheena u helaan fursado waxbarasho oo la mid ah kuwa ay helaan wiilasha walaalahooda ah,” ayuu madaxweynuhu intaas ku daray.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Sharma’arke ayaa isna sheegay in haweenku ay la kulmeen tacadiyo badan, ayna ahaayeen kuwa ugu jilicsan oo ay soo gaareen dhibaa-tooyinka dalka soo wajahay mudadii rubuc qarniga ahayd. Dhanka kalana ay horeed ka ahaayeen isku xirka bulshada xiliyadii ay dagaallada ka socdeen dalka, waxayna qaybna ka yihiin mar kasta nabadaynta iyo horumarka bulshada.

"Fursad ayay noo tahay inaan cusboonaysiinno inay naga go'an tahay in ammaanka iyo daryeelka haweenka uu udub dhexaad u yahay siyaasada xukuumadda. Inkastoo xeerar fara badan la soo saaray oo qeexaya ilaalinta xuquuqda haweenka, hadana waxaa jira wax badan oo aan wali qabsoomin. Sharciyo lasoo saaray keliya ma xoreeyn karaan xuquuqda haweenka. balse waxaa loo baahan yahay in loo wada istaago sidii loo hormarin lahaa daryeelka haweenka iyo inaan u badalno balan qaadkeena mid ficil ah," ayuu yiri RW Sharma’arke.

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa yiri. "Haweenka Soomaaliyeed waa asaaska nolosha qoyska, waxayna saamayn ku leeyihiin jirtaanka qoyska ee dhanka waxbrashada iyo caafimaadka, waxaan ballan-qaadaynaa inaan sare u qaado fursadaha haweenka ee dhanka maamulka iyo daryeelkooda guud, waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan dhagaysano codkooda."

Si kastaba ha ahaatee, maanta oo kale ayaa waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Haweenka caalamka, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka laga xuso maalintan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya