4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2015
Boko Haram oo Shaacisay in ay ku Biirtay Dowladda Islaamiga ah ee Daacish


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Kooxda Boko Haram ee Nigeria ayaa ku dhawaaqday markii ugu horreysay inay ku biirtay dowladda Islaamiga ah ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo loo yaqaan Daacish ama ISIS.

Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau ayaa hadal uu soo duubay ku  sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ka mid yihiin Daacish ayna amarada kooxdaas u hoggaansami doonaan.

Abubakar Shekau ayaa intaas ku daray in dagaalladooda ka socda galbeedka Afrika ay xoojin doonaan, isla markaana iyaga iyo Daacish ay iska kaashan doonaan dagaallada ay kuwada jiraan.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay millateriga Nigeria ayaa sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan hadalkan kasoo yeeray hoggaamiyaha Boko Haram ee ku aaddan inay ku biireen Daacish.

Boko Haram ayaa horay ugu dhawaaqday dowlad Islaami ah deegaannada waqooyiga dalka Nigeria ay ka hirgelinayso, waxayna ku biiristeeda Daacish ay ahayd mid markii horeba la filayay.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa bishii November ee sannadkii hore aqbalay heshiis ay la galeen kooxo Islaamiyiin ka dagaalama dalalka Libiya iyo Algeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya