4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Xukuumada Somalia oo la wareegaysa dhameystirayso shirka Dhuusomareeb


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay inay la wareegayso dhameystirka shirka dib u heshiisiinta ah ee gobollada dhexe kaasoo haatan ka socda magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda Somalia ay la wareegi doonto shirka dib u heshiisiinta ka socda Dhuusa-mareeb.

Sidoo kale, Odawaa ayaa tilmaamay in wasaaradda arrimaha gudaha ay xil weyn iska saarayso sidii loo dhisi lahaa maamulka gobollada dhexe, isla markaana loo dedejin lahaa howlaha dhismah maamulka.

“Xukuumaddu mas’uuliyad weyn ayay iska saaraysaa sidii lagu dhameystri lahaa shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee ka socda Dhuuso-mareeb, waxaana loo gudbi doonaa shirka qaybtiisa siyaasadda,” ayuu yiri Odawaa.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa isna sheegay in muhiim ay tahay in laga wada-shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo dowladda Somalia ay sheegtay inay la wareegayso socodsiinta shirka dib u heshiisiint ah ee hadda ka socda magaalada Dhuuso-mareeb.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya