4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2015
Guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliya oo Gaaray Kampala (SAWIRRO)


Axad, Maarso 08, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo uu wehlinayo ku xigeenkiis labaad, Mahad Cabdalla Cawad ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo guddiyo ka tirsan baarlamaanka uu uga socdo kulan aqoon kororsi ah.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanku hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kampala kusoo dhaweeyay xubno baarlamaanka Somalia ka tirsan iyo xubno kale oo dalka Uganda ka tirsan.

Ujeeddada socdaalka afhayeenka baarlamanka ayaa la xiriirta sidii ay indho-indheyn ugu sameyn lahaayeen aqoon kororsiyo guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya uga soconaya Uganda; kaasoo ay hirgelintiisa fududeysay hay'adda AWEPPA, waxaana hadda uu tababar u socdaa guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa iyo xaasaanadda ee baarlamaanka.

Tababarka xiga midkan ayaa wuxuu billaaban doonaa sagaalka bishaan kaas oo ay ka qaybgeli doonaan xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan. Waxaana ay tababarradan ay qayb ka yihiin kuwa xubnaha baarlmaaanka la siiyo inta lagu jiro fasaxa.

Si kastaba ha ahaatee, Jawaari ayaa bishii hore ugu dhoofay dalka Jarmalka arrimo dhanka caafimaadka ah, isagoo muddo todobaadyo ah halkaas lagu daweynayay, inkastoo aanu weli ka hadlin caafimaadkiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya