4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
RW Cumar oo Kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Gobolka


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo wafdi wasiirro ah oo maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb kulammo la qaatay ergadii ka qayb-galaya shirka gobollada dhexe ee ka socda magaaladaas.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo Dhuusa-mareeb ayaa uga mahad-celiyey RW-ha booqashadiisa, waxayna ka codsadeen inay dowladdu gacan ku siiso dhamaystirka howlaha u harsan.

Sharma’arke oo ka hadlay shirka ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay sida siyaasiyiinta, iyo qaybaha bulshada ay uga go’an tahay inay is-cafiyaan, mustaqbal wanaagsanna u hor-seedaan deegaannadooda.

"Gobollada dhexe ee Soomaaliya muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta dalka iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo shacabkeenna ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka, dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saari doontaa sidii loo gaari lahaa maamul iyo kala dambeyn ka hirgasha deegaannadan, kaasoo ah kan keliya ee horumar lagu gaari karo,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sdoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa xusay in xukuumadu ay ballan-qaadayso intii awooddeeda ah inay gacan ku siiso shacabka ku dhaqan gobolada dhexe sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad waarta oo ka dhalata deegannadooda.

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa dhiirri-geliyay dadaallada nabada lagu loogu raadinayo ee xukuumaddu ka wado Guriceel, isagoo xusay in heshiiskii dhawaan la saxiixay in ujeed-kiisu yahay in bulshadu ay si nabad ah u wada noolaato.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu caawa kulamo gaar-gaar ah la qaato odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya