4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
MAAREEYE: Dowladda Somalia waxaa ka go’an inay Wadahadallada sii waddo

Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in lasii wado wadahadallada ay kula jirto Somaliland, kaddib markii toddobaadkii hore ay fashilmeen wareeggii sideedaad ee wadahadalkan oo ka furmi lahaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay in lasii wado wada-hadallada ay Somaliland kula jiraan, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay inay wafdigii Somaliland ay ku guul-darreystaan inay soo fariistaan madashii lagu wada-hadli lahaa.

“Dowladda Somalia waxaa ka go’an inay sii wado wadahadalka kala dhexeeya Somaliland, balse waxaa nasiib-darro ahayd in xubnihii SL ka socda ay soo fariisan waayaan kulanka, iyagoo shuruud ku xiray inuu shirku furmo,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu yiri in labada dhinac ee wadahadlaya aanu midna xaq u laheyn inuu wafdiga kale u yeeriyo cidda ay tahay inay shirka u soo dirsadaan.

“Wafdiga dowladda Somalia waxay shirka la tageen niyad-wanaag, laakiinse ergadii ka socotay Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay inuu qabsoomi waayo shirka. Dowladda Somalia iyadoo u taagan midnimada Somalia waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah midnimada iyo horumarinta Somalia,” ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa yiri. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa meel walba oo ay joogaan inaan laga quusan doonin wadahadallada, ayna filayaan inay mar kale dhacaan iyagoo aanay shuruud ku xirnayn.”

Si kastaba ha ahaatee, wafdigii Somaliland ayaa diiday inay hor-fariistaan wafdigii dhanka dowladda Somalia ka socday, iyagoo ku sheegay sababta inay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland, taasna ay tahay mid aysan aqbalayn inay la hadlaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya