4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Imtixaannada dugsiyada Dalka oo sanadkan mar qura la qaadayo (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Wasiiradda Waxbarashada Somalia, Khadar Bashiir Cali oo ay wahelinayeen mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa maanta kulan la qaadatay dal-ladaha waxbarasha ahliga ee Somalia ka jira.

Kulanka ayay muhiimaddiisu ahayd sidii wasaaarada iyo daladuhu ay u qaadi lahaayeen sannadkan Imtixaan Qaran oo ka dhaca dalka kaasoo dalladaha waxbarashada dalka soo dhaweeyeen.

Wasiiradda oo kulanka ka hadashay ayaa ka codsatay dalladaha ahliga ah ee waxbarashada inay u hoggaansamaan lana shaqeeyaan wasaaradda si dalka loo gaarsiiyo hormar dhanka tacliinta ah.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa sheegtay in wasaaradda waxbarashadu aysan cidna u lug xir-naan doonin, isla markaan sidii lagu heshiiyay ay u qaadayso imtixaan qaran oo dalka oo dhan ka dhaca, loogana baahan yahay bahda waxbarashada inay taageeraan oo si dhow ula shaqeeyaan wasaaradda.

Khadar Bashiir ayaa ballan-qaaday in wasaaraddu qiimo dhimisi ku sameyneyso sanadkan lacagta shahaadada ay ardaydu ugu qaadan jireen wasaaradda, sidaa si la mid ahna ayay ka codsatay dalladaha inay qiimo-dhimis ku sameeyaan dhankooda maadaama carruurta Soomaaliyeed aysan awoodin inay iska bixiyaan lacagtaas.

Dood dheer kaddib waxaa la isku af-gartay in la sameeyo guddi labada dhan ah kuwaasoo ka shaqeyn doona sidii loo hir-galin lahaa qaadista Imtixaan Qaran oo dalka intiisa badan laga hirgelinayo.

Ugu dambeyn, dalladaha waxbarashada ahliga ah ayaa arrintaan si weyn u soo dhaweeyay, waxayna ballan-qaadeen dhankooda inay la shaqeynayaan wasaaradda oo ay ku qanacsan yihiin in dalka laga qaado imtixaan loo wada dhan yahay.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya