4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Bangiga Aduunka oo Mashaariic ka hirgalinaya Puntland bartamaha sanadkan


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bangiga adduunka oo uu hogaaminyay Thilasoni Benjamin oo madax ka ah qaybta horumarinta mashaariicda ee Bangiga Adduunka.

Kulanka labada dhinac dhex maray oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegay in looga wada hadlay arimo ay kamid yihiin in Bangiga adduunka uu taageero u fidiyo Puntland, iyadoo la beegsanayo bangiga dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Somaliya.

“Mas’uuliyiinta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa ballan-qaadeen in loo dajin doono Bangiga Puntland xisaabta casriga ah iyo in rugta ganacsiga Puntland laga taageero sidii ay dadka ugu fududeyn lahayd  bixinta laysinka ganacsiga “ ayaa lagu yiri war kulankan laga soo saaray.

“Waxaa kaloo looga wada hadlay sidii Puntland qaybteeda ay uga heli lahayd lacag dhan 30 milyan oo dollar oo Bangiga adduunku ugu deeqay Soomaaliya “ ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedkan ka soo baxay madaxtooyada.

Mr. Thilasoni Benjamin oo isna warbaahint la hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay in uu ku faraxsan-yahay booqashada uu ku  yimid Puntland ,isla markaan ay bisha June mashaariic horumarineed ka hirgali doonaan deegaanada Puntland .

Ugu dambeyn, madaxweyne Gaas ayaa shalay ka soo laabtay safar maalmo qaatay oo u ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba ,halkaasoo ay ku wada kulmeen madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]