4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Shirkada caymiska Islaamiga ah ee Takaaful oo xariga laga jaray (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Munaasabad xarigga looga jarayay howlgelinta shirkada ceymiska ah ee Takaaful oo ay ka qayb-galeen wasiirro xukuumdda Somalia ka tirsan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Furitaanka hawsha shirkada Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful ayaa waxaa ka goob-joog ka ahaa ganacsato, xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale oo lagu casuumay xafladda, iyadoo si rasmi ah shaqada shirkaddaan ay xariga ka jareen wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, ku-simaha guddomiyaha gobolka iyo xubno kale.

Guddomiyaha shirkadda caymiska Islaamiga ah ee Takaaful, Maxamed Cabdi Max'ed ayaa tilmaamay in shirkaddan ay bulshada u hayso adeegyo kala duwan, ayna diyaar u yihiin u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Ku-simaha guddomiyaha gobolka Banaadir, ahna guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda ee maamulka gobolka, Ismaaciil Macalin Cabdi (Guure) ayaa amaanay doorka shirkaddan iyo waxay kusoo kordhin karto shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Soomaaliya, Maxamed Mukhtaar ayaa isna dhiirri-galiyay dadaalka ganacsatada ay ku furanayaan xarumo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku nool.

“Waxaa sharaf ii ah inaan idin kala soo qayb galo furitaanka shirkaddaan, runtiina Somalia fursad ayay hadda haysataa, waxaana ka faa’iideysanaya dhallin-yaradeenna wax-bartay, sidoo kale caymiskuna wuxuu qayb weyn ka qaadanayaa in dib u soo nooleynta dhaqaalihii dalkeenna dib loosoo nooleeyo,” ayuu yiri wasiirka tamarta Somalia.

Sidoo kale, wasiirka ganacsiga iyo warashadaha Somalia, C/raxmaan Cabdi Cusmaan ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in Soomaaliya ay hesho Shirkad Caymis oo Islaami ah, isagoo bogaadiyay ganacsatadii howshaan ka geystay gacanta.

“Dhab ahaan Shirkaddan waxa ay farriin u tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama wax la ceyminayo, ganacsataduna waxay u istaageen inay dib u soo nooleeyaan adeegyadii kala duwanaa ee ganacsiga, marka waa arrin fiican” ayuu wasiirka ganacsigu yiri.

Ugu dambeyn, shirkadda Takaaful ayaa labo xafiis ka furatay degmooyinka Xamar-weyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, kuwaasoo loogu adeegi doono shacabka Caasimadda Soomaaliya ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya