4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Kulan looga hadlayo Maal-gashiga Soomaaliya oo berri ah ka furmaya Nairobi


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu magaalada Nairboi ee xarunta dalka Kenya ka furmo shir looga hadli doono maal-gashiga Somalia, shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen bangiga adduunka, safaarada Mareykanka iyo sidoo kale mashruuca Shuraako.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-geli doona hay’ado caalami ah, mas’uuliyiin ka socota DFS, ganacsato iyo dhamaan wadamada daneeyaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo xubnaha kasoo qaybgeli doona ay khudbado kala duwan ka jeedin doonaa madasha shirka.

Kulankan ayaa socon doona laba maalmood, iyadoo xooga lagu saarayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, wanaajinta horumarka, fahamsiinta dadka Soomaaliyeed kheyraadka dalkooda ku jira iyo arrimo muhiim u ah dhiirri-gelinta ganacsiga Somalia iyo hay’adaha ajnabiga ah ee doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdisalaam Hadliye Cumar oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan Nairobi ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimmadda uu shirkan u leeyahay Soomaaliya.

“Muhiimad weyn ayuu leeyahay, waayo dalka Somalia dhisiddiisu dowladda kaliya uma baahna ee wuxuu u baahan yahay dadka Somalida, ganacsatada iyo aqoonyahanka, dibad-joogga Somalida ay isku tagaan, nin walba wuxuu tari karo uu sameeyo, fikirkana la isku geeyo si dalka dib loogu dhiso,” ayuu yiri Hadliye.

Dhanka kale, mudane C/salaam Hadliye oo ka hadlay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho maadaama looga hadlayo maal-gashiga Soomaaliya ayaa sheegay inay habboon tahay dalka in lagu qabto wax walba oo Somalida khuseeya, balse inay jiraan daruufo gaar ah oo haysta dadka ajnabiga ah, ayna wanaagsan tahay in shirarkan natiijadiisa la fiiriyo.

Ugu dambeyn, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay inay kasoo qayb-geli doonaan shirka berri furmaya sagaal shirkadood oo caalami ah ay kasoo qaybgeli doonaan shirkan, kuwaasoo kusoo bandhigi doono goobta waxyaabaha ay qabtaan, isagoo xusay in shirkan uu wax badan kaga bedelnaan doono shirarkii ka horreeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya